Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xamza oo shirka TICAD8 ka sheegay inaysan gorgorton ka geli doonin…

Recommended Posts

Deeq A.   

Tunis (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee TICAD8 ee ka socda magaalada Tunis ee dalka Tunisia, ayaa tilmaamay muhiimadda ay taagerada dowladda Japan u leedahay xasillinta amniga iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in amniga iyo degenaanshaha ay yihiin wax aan gorgortan laga geli karin, si horumar bulsho iyo isku filnaansho dhaqaale loo helo, isagoo xusay in isbadelka cilmillada iyo colaadaha dunida ka jira ay saameyn xoog leh ku yeesheen nolosha bulshada, xili dalka ay ka jiraan abaaro saameeyey dadka iyo duunyada.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan qiro, muhiimadda ay leedahay Kaalmada Japan, gaar ahaan, dadaallada kor loogu qaadayo tayada booliiska iyo hay’adaha amniga, bixinta nidaamyada isgaarsiinta ee Booliiska Soomaaliya iyo taageerada warshadaha gudaha ee muhiimka ah, si kor loogu qaado shaqada loona hagaajiyo hab-nololeedyada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Mudane Xamse ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay taageerada dowladda Japan ee xiligan, si looga miro dhalayo hadafyada waaweyn ee la higsanayo ee dhinacyada amniga, wax ka qabashada colaadaha, abaaraha iyo isbeddelka cimillada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa inta uu socday shirka caalamiga ee TICAD8, kulamo doceedyo la yeeshay madaxda ka qeyb galaysa shirka, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya.

301974747_423256956570123_19855819027992 302215190_423256929903459_82205343174900 302052217_423256943236791_86952715092253 302104919_423256946570124_64547376606394 301957427_423256976570121_46181227569495

The post Sawirro: Xamza oo shirka TICAD8 ka sheegay inaysan gorgorton ka geli doonin… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this