Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wararkii ugu dambeeyey ee safarka Xasan Sheekh Garoowe – Maxaa dhacay caawa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii afaraad ku hoyanaya magaalada Garowe ee Puntland ayaa caawa kulan gaar ah la qaatay Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Puntland.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in kulankaas uu ka dhacay Madaxtooyada dowlad-goboleedka Puntland, isla markaana uu ahaa kulan la-tashi ah.

“Madaxweynaha oo kulanka uu ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Abshir Cumar Huruuse ayaa Isimada iyo waxgaradka Puntland waxa uu ka dhageystay talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulanka caawa ayaa imaanaya iyadoo ay soo gabagaboobeen kulamadii Madaxweynuhu uu maalmahaan Garowe kula lahaa madaxda Puntland, kuwaas oo is-faham lagu gaaray, sida ay xalay shaaciyeen dhinacyadu.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta kormeeray dhowr xarumood ayaa warbixinno ka dhageystay hey’adaha iyo wakaaladaha Horumarinta Biyaha, Waddooyinka iyo Maareynta Kheyraadka, Maamulka Bangiga Dhexe iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Puntland.

Berri gelinka hore ayaa la sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu sib ugu soo laaba doono magaalada Muqdisho, safarkiisa oo markii hore la qorsheeyey inuu qaato laba maalmood ayaa gaaray afar maalmood.

 

300747154_458478079656670_15015239634377 300830767_458477899656688_70517127289178 300831515_458477966323348_33177424619778 301404647_458477989656679_55155819143978 302210318_458478106323334_60644412428529 Xasan-iyo-Abshir-Haruuse.jpg?resize=696% xasan-iyo-isimada-puntland.jpg?resize=69 Xasan-Sheekh-6.jpg?resize=696%2C464&ssl=

The post Sawirro: Wararkii ugu dambeeyey ee safarka Xasan Sheekh Garoowe – Maxaa dhacay caawa? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this