Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo baaqii u horreeyay u jeedisay Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Al-shabaab ayaa ugu baaqay Madaxweynaha cusub ee Kenya, William Ruto in uu Ciidamada dalkiisa ka saaro gudaha Soomaaliya.

Qoraal dheer oo ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in kadib mudda 11 sano ah oo Ciidamada Kenya ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya aysan ku guulaysan wax uun kamid ah ujeedooyinkii loo keenay, islamarkaana ay ku go’doonsan yihiin godad uga qodan saldhigyadooda.

Al-shabaab waxay sheegtay in haddii dowladda cusub ee Kenya ay Ciidankeeda kala bixi weydo gudaha Soomaaliya, ay toos u beegsan doonto xuddunta iyo xarumaha waaweyn ee dalka Kenya, oo ay ka fulin doonto weeraro qorshaysan.

“Haddii dowladda cusub ee la doortay ay ku sii adkeeysato dariiqa dagaalka iyo sii socoshada duullaanka gardarada ah ee Soomaaliya, Xarakada Al-Shabaab ma beegsan doonto oo kaliya ciidamada kusoo duulay wadanka, balse waxa ay weeraro ka fulin doontaa xudunta iyo xarumaha waaweyn ee Kenya” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Al-shabaab ayaa horay weeraro kala duwan uga fulisay gudaha waddanka Kenya sida weerarkii September 2013 lagu galay xarunta laga dukaameysto ee the Westgate shopping mall iyo weerarkii April 2015 lagu qaaday jaamacadda Gaarrisa.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo baaqii u horreeyay u jeedisay Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this