Sign in to follow this  
Deeq A.

U fiirso,Dadkii Gardarada loo laayey,Kuwii Xiniinyaha laga Saaray & Gabdhaha Xabsiga Gebilay lagu xareeyay waa iskuwada Reer…Max’ed Haaruun

Recommended Posts

Deeq A.   

Nabadda ha la ilaaliyo!

U fiirso: Dadkii dhawaan gardarada loo laayay, iyo kuwa gardarada loo xidhay, iyo kuwa gardarada xiniinyaha loo ga burburiyay, iyo hablaha Gebilay gardarada u gu xaraysan bilaa maxkamadda, iyo kuwa madaarka Hargeysa gardarada loo gu qabsado marka ay dhoofayaan ama soo degayaan, ee uu Cumar-seerbiya u dambeeyay, intuba waa is ku wada reer. Haa, waa is ku wada reer keliya. Intaas oo dhami is ka ma dhicin sida maqaadiirta ee waa wax qorshaysan, oo fikir iyo wakhti ku baxo, ka dib na la fuliyo. Xaqiiqo weeye taasi. Intaasba dad aad u kooban, oo hebel iyo hebel loo yaqaan baa ka taliya. Is la intaas kooban ee aan shegaayo, iyo in kale oo kuwaas u adeegta, ayaa habeen iyo maalin, gabal dhac iyo waaberi, TV kasta iyo idaacad kasta ka dhawaaqaysa, oo leh nabadgelyada ha la ilaaliyo… qarannimada ha la ilaaliyo… sharciga ha la ilaaliyo!

Waxa Qoray:

Maxamed Haaruun Biixi

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this