Deeq A. Posted August 28, 2022 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro gaystay oo u dhaxeeyo laba beelood oo walaalo ah ku dhexmaraya deegaanka Barkada ina jiirow oo qiyaastii 45km u jira degmada dhabad ee gobalka Galgaduud. Dagaalka ayaa yimid kadib markii labada beel ay isku qabsadeen lahaanshiyaha dhul ku yaalla deegaanka, waxaana wararka ay sheegayaan in dagaalka khaasaro fara badan uu ka dhashay. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa noo sheegay in ay maqlayaan xabadda ay isweydaarsanayaan labada Maleeshiyo Beleed. Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaan oo saacada badan qaatay, illa iyo haddana ka socda deegaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites