Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Xamza oo ballan-qaad ka helay JAPAN + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Tunis (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada Tunis ee dalka Tuniisiya ayaa kulan gaar ah la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda dalka Japan, Mudane Yoshimasa Hayashi, xilli uu dhinac kale socdo shirweynaha caalamiga ee TICAD8 ee u dhexeeta dowladda Japan iyo Afrika.

Ra’iisul wasaare Xamza iyo Yoshimasa Hayashi, ayaa kulan duceedka ay yeesheen waxay uga hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga u dhaxeeya labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda Japan oo madasha ka hadlay ayaa u ballan-qaaday ra’iisul wasaare Xamza in dowladdiisa ay diyaar u tahay inay xoojiso xiriirka ganacsi, amni iyo midka siyaasadeed ee ay la leedahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey inay gacan ka geysan doonaan barnaamijyada horumarineed ee wax loogu qabanayo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa ra’iisul wasaare Xamza ayaa uga mahad-celiyay dowladda Japan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya.

Japan ayaa ka mid ah dalalka taageero Soomaaliya, waxayna xiriir wanaagsan la leedahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, wuxuu kulanka ku soo aadaya, xilli uu socdo shirka TICAD8 oo ay dowladda Japan ugu ta;agashay in ay ku xoojiso xiriirka ganacsi iyo midka siyaasadeed ee Afrika.

302039092_422846553277830_84201960041581 301977386_422846709944481_18106854548691 302043578_422846706611148_17381064927738 301940973_422846469944505_25793924917237

The post Ra’iisul wasaare Xamza oo ballan-qaad ka helay JAPAN + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this