Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Japan oo ka wada-hadlay iskaashiga iyo wax wada-qabsiga labada dal

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1661652649840.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay waxa uu kulan doceed kula yeeshay magaalada Tunis ee uu ka socdo shirka caalamiga ee #TICAD8 – Wasiirka Arrimaha Dibedde ee Japan Yoshimasa Hayashi.

Labada masuul waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Japan.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Japan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya.

Wasiir Hayashi ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka ganacsi, amni iyo siyaasadeed – isagoo intaa raaciyay inay gacan ka geysan doonaan barnaamijyada horumarineed ee wax loogu qabanayo shacabka.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Japan oo ka wada-hadlay iskaashiga iyo wax wada-qabsiga labada dal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this