Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Puntland iyo Villa Somalia oo war ka soo saaray kulamadii Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Kulan casho sharaf ah ayaa caawa madaxtooyada maamulka Puntland loogu sameeyey wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh oo habeenkii sedaxaas ku hoyanaya Garowe.

Qoraal ay soo saareen Villa Somalia iyo madaxtooyada Puntland ayaa lagu shaaciyey xafladaan casho sharafta ah, mana jirto faahfaahin kale oo Puntland ay ka bixisay wadahadalladii socday.

Ugu horeyn qoraalka Villa Somalia ayaa lagu shaaciyey in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kulammo miro-dhal ah la qaatay Saddaxdii maalmood ee la soo dhaafay, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash, waxa ayna lafa gureen duruufaha ku xeeran dalkeenna, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

“Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mudnaanta siinaya latashiyada bulshada Puntland, gaar ahaan waxgaradka, isimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo culimada, si uu u dhageysto talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warkaan ay soo saartay Villa Somalia ayaa intaas ku sii daraya, “Kulankan maamuuska ah waxaa Madaxweynaha ku weheliyey, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Lataliyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha, Federaalka Mudane Axmed Cabbaas Axmed, Dastuurka Mudane Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dib u heshiisiinta Mudane Cali Cabdi Awaare iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.”

Dhinaca kale qoraal ay Puntland ka soo saartay kulan caawa ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan Casho Sharaf ah ugu sameeyay xarunta Madaxtooyada, Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdiga la socda. Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFS Mudane Abshir Cumar Huruuse, Xubno ka mid ah Goleyaasha DFS, Goleyaasha Dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan labada Madaxtooyo Puntland iyo Soomaaliya.”

302011710_621448619337484_53263102032897 302068745_621455579336788_58940170592727 302088826_621448189337527_55267938818185 302138080_621448836004129_37624118297664 Abshir-Haruuse.jpg?resize=696%2C474&ssl= Baadiyow.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 cabdikariin-cali-kaar.jpg?resize=696%2C4 Deni-Xasan-Karaash-iyo-Haruuse.jpg?resiz Deni-Xasan-Karaash-iyo-Haruuse.jpgq_.jpg dhabancad.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 karaash.jpg?resize=696%2C468&ssl=1 Saciid-Deni.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Xasan-sheekh-iyo-saciid-deni.jpg?resize= Xasan-Sheekh-5.jpg?resize=696%2C501&ssl= Xasan-Sheekh-1.jpga_-1.jpg?resize=696%2C

302030532_621447442670935_73930100150039 301921224_621446986004314_24689575441782 301891695_621448712670808_68988444618777 301788108_621446902670989_48445240694902 301709074_621447736004239_54344454062074 301725277_621447649337581_45733495592050

The post Sawirro: Puntland iyo Villa Somalia oo war ka soo saaray kulamadii Garowe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this