Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Ka Wadahadleen Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiga Joogtada ah?

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madobe iyo labadiisa ku-xigeen ayaa maanta kulankii ugu horeeyey la qaatay guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka, iyadoo kulanka looga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya golaha.
Kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Habdhowraha golaha shacabka iyo howlwadeennadda guddiyada, kuwaas oo dhowaan uu magacaabay guddoomiye Madoobe, iyagoo mid mid u sharaxay shaqada baaxada leh ay u hayaan golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuurioyadda Federalka Soomaaliya.
Guddoonka iyo guddiga joogtada ah ayaa  sidoo kale kulankooda waxaa looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa shaqada guddiga joogtada ah, guddiyada golaha shacabka iyo diyaarinta shuruucda golaha ee kalfadhiga labaad, kuwaas oo golaha laga sugaayo in ay ku meel mariyaan sharciyo horyaalla.
Guddiga joogtada ah kulanka ay la qaateen  guddoonka golaha shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federalka ayaa aad labada dhinac ugu falaqeeyeen, waxaana uu kusoo aadayaa iyadoo howlaha golaha uu u socdo si dardar leh, maadaama ay horyaallaan sharciyo dhowr ah oo lasoo gudbiyay.
Goobjoog Joog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this