Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xamza oo la kulmay madaxweynaha Tunisia

Recommended Posts

Deeq A.   

Tunis (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo ku sugan waddanka Tunisia ayaa maanta kulan la yeeshay madaxweynaha dalkaasi, Qays Saciid, kaas oo ku soo dhoweeyey shirweynaha caalamiga ah ee TICAD8.

Shirkaan oo u dhexeeyo Japan iyo Afrika ayaa waxaa loogu magac-daray shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Afrika (TICAD8), wuxuuna socon doono muddo laba cisho ah.

Ra’iisul wasaare Xamza oo shirka ku meteli doono Soomaaliya ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo madasha, taas oo uu uga hadlayo horumarka Soomaaliya iyo fursadaha ka jira.

Xamza waxaa safarkan ku welinaya Wasiirka wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Beene Beene, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Xiriirka Caalamiga, Dr Hodan Osman, Ku Xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Fadumo Cabdi Cali, iyo Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada, Farxaan Jimcaale.

Sidoo kale waxaa shirweynahaan qayb ka ah madaxda Afrika & Ururrada ka jira Qaaradda, halka Ra’iisul Wasaaraha Japan Kishida Fumio uu uga qaybgalayo aaladda Fogaan-aragga.

Dowladda Japan waxa ay shirkaan ugu talagashay in ay ku xoojiso xiriirka ganacsi iyo midka siyaasadeed ee ay la deedahay Qaaradda Afrika.

Si kastaba waa shirkii siddeedaad ee noocaan oo kale ah oo la qabanayo laga soo billaabo illaa iyo sanadkii 1993-kii.

301712877_422432163319269_13660631799188 301862795_422432166652602_62211563370855301766090_422432196652599_15227257432336

The post Sawirro: Xamza oo la kulmay madaxweynaha Tunisia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this