Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Dadweyne careysan oo maanta xirtay waddo ku taalla Muqdisho + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Darawallada gaadiidleyda ka shaqeeya dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa maanta dhigay dibad-bax ballaaran oo ay uga cabanayaan dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan askarta dowlada Soomaaliya ee ku sugan caasimada.

Dibad-baxa ayaa ka dhashay dil maanta loo geystay darawal ka soo baxay dekedda oo waday gaari xamuul ah, kaas oo uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Darawallada oo ka carooday dilka marxuumka ayaa xirtay waddada Fintu una October, halkaas oo ay ka dhigeen dibad-bax weyn oo cabasho ah.

Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in marxuumka loo dilay bixinta lacag baad ah darteed, sida u hadalka u dhigeen.

“Ninkii labaad waayey oo nagala diloobo, ninkii dilayna wuu baxsaday, wixii lagu dilay ayaana la rabaa,” ayuu yiri mid ka mid ah darawallada ka shaqeeya dekedda weyn.

Sidoo kale waxa ay darawalladaani baaq culus u direen dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka dalbadeen inuu wax ka qabto arrintaan.

“Laga soo bilaabo Taleex, illaa dekedda waxaa taagan askar, haddaadan lacag siinin inay ku dilaan oo gaariga kaala dagaan oo ku garaacaan waayey, Mudane madaxweyne codsi iwaayey arrintaan wax ka qabo,” ayuu yiri darawal kale ka hadlay goobta dibad-baxa.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa dilal ka geysta gudaha magaalada Muqdisho, xilliyada ay marayaan waddooyinka waa weyn ee ku dhex-yaalla gudaha caasimada.

The post Daawo: Dadweyne careysan oo maanta xirtay waddo ku taalla Muqdisho + Sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this