Sign in to follow this  
Deeq A.

Fannaad Reer Turki ah oo loo xiray kaftan ay samaysay sannad ka hor

Recommended Posts

Deeq A.   

Fanaanada reer Turki ee Gulsen ayaa xabsiga loo taxaabay waxaana lagu eedeeyay in ay hurinayso nacayb ka dhashay kaftan ay ka samaysay iskuulo diini ah.

Bishii Abriil, Fanaanada waxay ku kaftantay in xubin ka mid ah kooxdeeda uu yahay qof ay wax ka khaldan yihiin taas oo ay ugu wacan tahay inuu soo maray mid ka mid ah iskuulada diiniga ah.

In kasta oo uu hadlkaasi ahaa mid hore, haddana wuxuu dhowaan qabsaday barta internet-ka, iyadoo aad loo dhaleeceeyay.

Dadka dhaliila Dowladda Erdogan ayaa sheegaya in xariga uu yahay mid uu ku doonayo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan inuu taageero ku helo ka hor doorashooyinka sanadka soo socda.

PUNTLAND POST

The post Fannaad Reer Turki ah oo loo xiray kaftan ay samaysay sannad ka hor appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this