Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo xushay saddex wasiir oo ku wehelin doona kulamada Puntland iyo Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Inkastoo kulamadii u danbeeyay ee Garoowe uga socday Siciid Deni iyo Xasan Sheekh aysan cidna ku wehelin, islamarkaana aysan wax horumar ah ka samayn.

Haddana waxa labada dhinac doonayaan in la ballaariyo kulmada oo lagu soo daro mas’uuliyiin ka socda labada dhinac ee dowladda Federaalka iyo Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa go’aamiyay in kulamada oo socda ay ku weheliyaan saddex wasiir oo uu aad ugu kalsoon yahay, si aysan u bixin xogta wixii lagu wada-hadlo.

Saddexda wasiir ayaa kala ah; Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal iyo wasiirka Tamarta Caarshe Siciid Aw Muuse.

Siciid Deni iyo saddexdan wasiir ayaa sida la xaqiijiyay kulan gaar ah yeeshay, ka hor inta aysan bilaaban kulamada danbe ee dhexmari doona labada dhinac.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo xushay saddex wasiir oo ku wehelin doona kulamada Puntland iyo Villa Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this