Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradaha Itoobiya Oo Duqeeyey Caasimada Gobolka Tigray Ee Makelle

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Makelle)-Duqeyn dhanka cirka ayaa shalay ka dhacdey magaalada Makelle ee gobolka dagaaladu la dageen ee Tigraya ee dalka Itoobiya.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintey oo ay ku jiraan carruur, sida uu sheegay madaxa cisbitaalka guud ee Makelle.

Telefishanka Tigrey ee ay maamulaan TPLF ayaa sheegay in duqeyntu dhacdey abaare 01:00 duhurnimo ee xilliga Bariga Afrika, waxaana ay ku eedeeyeen Addis Ababa in ay ka dambeyso.

War ka soo baxay dowladda Itoobiya ayaa shacabka Tigreega looga digey in ay u dhawadaan goobaha ciidamada iyo tababarada ay ku lee yihiin falaagadu sida warka loo dhigay.

Iyada oo dhawaan la sugaayey in wada hadal toos ah u furmo Adis Ababa iyo Makelle ayaa waxaa hadda muuqanaya in xiisadii dib u soo cusboonaatey.

Madaxa hay’adda caafimaadka adduunka WHO Tedros Ghebreyesus oo ka soojeeda qawmiyadda Tigreega horeyna u soo noqdey wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sheegay in xaalad bini’aadanimo tii ugu darneyd ka jirto gobolkaas, waxaana uu ku daray in xitaa qoyskiisi ay aad u taabatey dhibaatadu oo aanu wax xidhiidh ah la lahayn, dhaqaale xitaa u diri karin. Itoobiya ayaa ku eedeysey madaxaha WHO in ay qaadey caadifad, ee aanu u hadlin si xirfad leh.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this