Sign in to follow this  
Deeq A.

Seyga Afhayeenka Congress-Ka Mareykanka Oo XABSI Lagu Xukumay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Seyga Nancy Pelosi, oo ah Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka, ayaa lagu xukumay muddo shan maalmood ah inuu xabsiga ku jiro kadib markii uu qirtay dambi ah inuu gaadhigiisa kaxeeyey isaga oo cabsan.

Paul Pelosi, oo 82 jir ah, wuxuu qirtay inuu dareensanaa saameynta ay khamradu caqligiisa ku reebtay markii uu gaarigiisa nooca Porsche uu ku galay shilka bishii March ee sannadkan. Waxaana uu sababay dhaawac soo gaadhay qof rayid ah.

Ninkan milyaneerka ah, qirashadiisu eedeymo kale oo xoog badan oo loo heysto ayay ka badbaadinaysaa.

Paul wuxuu qabay Nancy Pelosi oo ah haweeney xubin sare ka ah Congress-ka Maraykanka tan iyo sannadkii 1963-kii.

Muddo dheer kuma sii jiri doono xabsiga marka la eego qirashada uu sameeyey oo ah inuu dambiile yahay.

Shilka kaddib habeenkii uu xabsiga ku jiray oo ahayd 28 May waxay u xisaabsanaan doontaa laba maalmood. Laba maalmood oo kale waxaa lagaga dhaafay anshax wanaaggiisa. Maalinta ugu dambeysana, wuxuu sideed saacadood oo kamid ah uu ku bixin doonaa howlaha adeegga bulshada sida nadaafadda waddooyinka.

Paul oo ah aas-aasaha shirkad ganacsi, waxaa sidoo kale la marin doonaa tijaabo soconaysa saddex sannadood. Waxaana laga rabaa inuu xaadiro koorso saddex bilood ah oo lagu baranayo saameynta taban ee ka timaada marka adigoo cabsan aad gaadhi kaxaysid. Waxaa sidoo kale laga doonayaa inuu bixiyo lacag dhan $7,000 oo ah magdhow.

Laakiin marnaba ma lumin doono liisanka gaadhi kaxaynta. Waxaase looga baahan yahay inuu hadiyo jeer hubsado isticmaalka aaladda shidda baabuurkiisa ku xidhan, taas oo qofku ku maro tijaabada khamriga kahor inta aanu gaadhiga kaxaynin.

Paul ma joogin maxkamadda maalintii salaasada markii ay socotay dhageysiga xukunkiisa.

Shilku wuxuu xilli habeennimo ah ka dhacay magaalada Oakville ee gobalka California goor uu kasoo baxayay gurigiisa. Waxaana safarka ku weheliyay saaxiibkiisa muddada dheer – ahna deeqbixiye kamid ah Xisbiga Dimuqraadiga ah.

Sida ay ku warrameen booliska, Paul wuxuu gaadhiga ku dhuftay gaadhi kale oo nooca Jeep ah, meel u dhow gurigiisa. Labada gaadhiga ayaana lagu soo warramayaa inay wada burbureen.

Nancy ayaa siisay saraakiishii ka warbixinaysay goobta dhaawac muujinaya in Paul uu xubin ka ahaa naadi samafal oo taageerta waaxda ilaalada waddooyinka California, sida ku qoran cabashada booliska.

Xilligaas Nancy ayaa ku sugneyd meel kale oo kamid ah Maraykanka, waxayna kaga qeybgalaysay xaflad qalinjebin ah oo ka socotay Jaamacadda Brown.

Xafiiskeedu wuxuu ka gaabsaday inuu sii bixiyo faahfaahin intaas ka baxsan. Waxayna kusoo koobeen inay tahay ‘arrin gaar ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this