Sign in to follow this  
Deeq A.

Muragada taa ii dheeri waa Timadheerta dhayal dalkeena ugu dhex xidhan ee xabsiga gabilay loogu dhex haysto…….Suldaan Ayaanle Suldaan Maxamed.

Recommended Posts

Deeq A.   
Muragada taa ii dheeri waa ilaa hada Timadheerta dhayal dalkeena ugu dhex xidhan ee dheel dheel Xabsiyada sida xabsiga gabilay loogu dhex haysto oo 23 kamid ahi aanay weli helin cadaalad!.”
Waxa qoray Suldaan Ayaanle Suldaan Maxamed.
“Dedaalka Aan ka galay muran ka sharci ee u dhexeeya Xukuumada iyo mucaarad ka oo ahaa mid aan ku doonaynay inaan kusoo afjarno khilaafkaa sharci ee u dhexeeya labada garab ayaa noqday Mid aanaan sii wadi karin.
Hadaba mudada aanu hawlahaa wadnay waxa dushayada ku dhacey xadgudub aan Somaliland hore looga baran.
Waxa dhacey wax magacii iyo karaamadii Somaliland Lahayd Kuna lahayd mandaqada geeska, dheeraydna dalalka jaarka markaliya uun u badaley mid haatan ka miisaan hooseeya oo weliba looga werwer qabo in Nabad galyadii kaliya ee la dhawranayey ay Si fudud faraha uga baxdo.
Mar hadii xalku halkaas maŕayo waxaan marka hore umahad naqayaayaa dhamaan ergodii aanu qaybta ka aheyn ee samadoonka ahaa salaadiintii ,culimadii, ganacsatadii iyo shirgudoonkii.
wuu muuqdaa xalku ee halkuu dhafi waayey murankan midi midi ku taag ahi waa Xukuumadii oo gar diid noqotay.
Aniga ahaan waxaan Go’aan Saday inaan wada hadalka Halkaa kaga hadho!.
Waxaan caawa ka murugaysanay inaan meel la saarin dhiiga dadkii dheecaankooda dhulka dhayal loogu qubay?
Muragada taa ii dheeri waa ilaa hada Timadheerta dhayal dalkeena ugu dhex xidhan ee dheel dheel Xabsiyada sida xabsiga gabilay loogu dhex haysto oo 23 kamid ahi aanay weli helin cadaalad!.
Salaadiin la ugaadhsanayo ayaa ii dheer sida Cade gude oo weli afduuban!.
Hadaanba garawshiiyo iyo tanaasul Xukuumadadeed jirin Anigu ka suldaan ayaanle ahaan ergo ma sii ahaan karo!.
Go’aanka ila gudboon inaan qaato caawa ayaa ah kii uu qaatay suldaan Cabdisalaan suldaan cali shire 1969 kadib markii la diiday taladiisii ee uu siyaad bare xidhay cigaal afgambiyayna Dawladii sharciga ahayd ee la doortay.
Arinkaa alaa leh
Wakhtiga iyo hawshana allaynu u daynaynaa!.”
May be an image of 1 person and standing

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this