Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xamza oo ka qayb-galaya shirka Tokyo ee horumarinta Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xalay gaaray magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tuniisiya, halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyey ra’iisul wasaaraha iyo wafdiga la socda.

Xamza ayaa waxaa garoonka ugu tegay oo soo dhoweeyey Wasiirka Gaashaandhigga Tuniisiya, Imed Memmich iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dalkaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka qayb-galaya shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Afrika (TICAD) kaasi oo maanta ka furmaya Tunis, wuxuuna socon doono muddo laba cisho ah.

Sidoo kale waxaa shirweynahaan qayb ka ah madaxda Afrika & Ururrada ka jira Qaaradda, halka Ra’iisul Wasaaraha Japan Kishida Fumio uu uga qaybgalayo aaladda Fogaan-aragga.

Dowladda Japan waxa ay shirkaan ugu talagashay in ay ku xoojiso xiriirka ganacsi iyo midka siyaasadeed ee ay la deedahay Qaaradda Afrika.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa inta uu joogo Tunis wuxuu kulamo doceedyo la yeelan doonaa madaxda ka soo qayb-galeyso shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Afrika, isaga oo kala hadli doonaa maalgashiga dalka Soomaaliya.

Si kastaba waa shirkii siddeedaad ee noocaan oo kale ah oo la qabanayo laga soo billaabo illaa iyo sanadkii 1993-kii.

301687766_422256783336807_91378392681191 301011171_422256773336808_82930701094254 301021640_422256830003469_45836071849081 301554868_422256816670137_80811370023343

 

The post Sawirro: Xamza oo ka qayb-galaya shirka Tokyo ee horumarinta Afrika appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this