Sign in to follow this  
Deeq A.

23-ka hablood ee Gabilay ugu xidhan Muuse Biixi uma arko hablihiisii ee Garxajis bay isaga u yihiin…….Siyaasi Cali Guray

Recommended Posts

Deeq A.   

23-ka hablood ee Gabilay ugu xidhan Muuse Biixi uma arko hablihiisii ee West Burco Clan bay isaga u yihiin.

guray.jpg

“W/Q: Mujaahid Cali Guray
WALLEE DHAAN DAMBAAN FAYTINOW
CIDINA KUU DHIIBAN
23ka hablood ee Gabilay ugu xidhan uma arko hablihiisii. West Burco Clan bay isaga u yihiin. Labaatan jirba may gaadhin badankoodu. Inan yar oo Sheekh Madar ka soo dhaadhacday baa taraxda moobil ay sidatay ayuu Askar dhirbaaxo dhegta dabadeeda ku dhuftay. Waxa lagu tuuray shebeglihii.
Ma iyada dulmane ah mise waa dhibane inanta yar ee reer Axmed? Kuwan kale waxa lagu xidhay waa sidaa iyo si la mid ah iyadana West Burco Clan ahaan baa loo xidhaye gadaal bay reerka ka noqotay.
Sacad Muuse muxuu jabay saw waxan dhacaya oo dhami xagga dhaqanka iyaga uun kuma qorna oo la odhan maayo berigii Sacad Muuse madaxwaynaha noqday bay ahayd. Wallee Dhaan Dambaan Faytinow Cidina Kuu Dhiiban

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this