Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse oo Boggaadiyay Howgallada Ka Socda Gobolka Hiiraan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo gaaray magaalada Baladweyne ayaa booqday xerada ay degan yihiin ciidamada xoogga dalka, waxaana uu boggaadiyay gowlgallada ay ciidanku  ka wadaan Waqooyiga iyo Galbeedka gobolka  Hiiraan, iyaga oo kaashanaya  Macawisleyda oo ah dadka deegaanka.

Ra’iisulwasaaraha oo la hadlay ciidanka ayaa ammaanay hawlgallada ay kula dagaallamayaan Al-shabaa,  kuwaaas oo laga saaray deegaanno badan oo dhaca gobolka, isaga oo ballan qaaday in xukuumaddu taageero la garab taagan tahay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya.

Xamse Cabdi Barre oo hadalkiisa sii watay waxaa uu sheegay in lagu guulaystay in ciidanku ay la wareegaan dhul dhaaraya 150km muddo kooban oo ka tirsan Hiiraan oo ay horay u joogeen dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana uu ciidanka kula dardaarmay in ay sii wadaan howlgallada socda oo ay wadaan ciidanka xoogga iyo Macawislayda.

Ciidamada xoogga dalka qeybta 27-aad oo howlgallada ka bilaabay degmada Maxaas ayaa waxaa ay la wareegeen dhowr deegaan oo u dhaxeeya degmooyinka Matabaan iyo Maxaas, waxaana todobaadkii tagay ciidanku ay qaadeen howlgallo kale oo ka bilowday dhinaca galbeedka gobolka, iyagoo la wareegay ilaa sedex degmo, oo hoos taga  Baladweyne.

Ciidanka ayaa howlgallada socda kula wareegay deegaannada kala ah Ragso,Xasan Raqay,Sulmo iyo deegaanka Teedan oo dhaca  gobolka Hiiraan, ciidanka ayaa sidoo kale howlgalladii ugu dambeeyay kula wareegay deegaannada , Bacda, Beer Gidiid, Jilacle, Madhoy, Hees, Luuq Jeelow ayaa ah deegaannada ugu dameeyay oo ciidanku ay la wareegeen.

Gobolka ayaa waxaa xilligaan ku sugan wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, taliyaha ciidan xoogga dalka O,  howlgalkaan ka socda gobolka Hiiraan  waxaa hoggaaminaayo guddoomiyaha gobolka HIiraan Cali Jeyte Cisman wasiirro iyo xildhibaanno kala tirsan federalka iyo dowlad goboleedka Hirshabeelle .

299992018_468766081956670_71673116118207
300574286_468766088623336_88174735607809
301399344_468766111956667_46677441153292
300373421_468766141956664_20429883981998
299931282_468766151956663_28116749413049
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this