Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka wada-hadlay Gargaarka iyo Taakuleynta dadka abaartu saameysay

Recommended Posts

Deeq A.   
4-4.jpg?resize=1000%2C722&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa saaka Kulan la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ka wada-hadleen xoojinta wadashaqeynta xukuumadda iyo Qaramada Midoobay gaar ahaanna arrimaha gargaarka iyo taakuleynta dadka abaartu saameysay.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaare Xamse iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tunisia halkaas oo uu kaga qaybgali doono shirka caalamiga ee TICAD ee horumarinta qaaradda Africa.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka wada-hadlay Gargaarka iyo Taakuleynta dadka abaartu saameysay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this