Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse oo Munaasab Soo Dhoweyn ah Loogu Sameeyay Baladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay munaasabad weyn oo lagu soo dhaweynayay isaga iyo wafdigiisa oo ka dhacday xarunta gobolka Hiiraan ee magaalada Beledweyne, kadib safar uu maanta ku tagay isaga iyo wafdigiisa.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo uu soo dhaweeyey Madaxweynaha maamul gobolleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Guudlaawe iyo masuuliyiinta kale ee gobolka, ayaa waxa ay qaybaha kala duwan ee shacabka ka dhageysteen warbixinno ku saabsan xaaladda arrimaha bulshada ee magaalada Beledweyne iyo saameynta abaarta.
Horey waxaa magaalada Beledweyne ugu sugnaa Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha xaaladda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaammo ka tirsan waqooyiga iyo galbeedka Hiiraan.
Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay bulshada reer Beledweyne ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran — isaga oo ammaanay hawlgallada ciidamadu kula dagaallamyeen kooxaha argagixisada — kuwaaasi oo lagu xoreeyay deeganno badan oo ka tirsan gobolka.
301620585_421127993449686_11225648922120
301590820_421128253449660_60232904776251
301428948_421128173449668_49976364527752
301579902_421128086783010_56622225170110
301359682_421128153449670_13210388093524
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this