Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Tigreega Oo Bililiqeystay Shidaal Ay Lahaayeen Hay’adaha Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Mekelle)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ciidanka Tigreega ay bililiqeysteen 570,000 oo litir oo shidaal ah, kadib markii ay si xoog ah kusoo galeen xarun ay leedahay ha’adda cuntada ee WFP oo ku taalla magaalada Mekelle, sida uu xaqiijiyay madaxa hay’addaas David Beasley.

“Bakhaarka Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Mekelle waxaa xoog ku galay ciidamada Tigreega, kuwaas oo qaatay 12 booyadood oo buuxa oo shidaal ah oo ay saaran yihiin 570,000 litir oo shidaal ah. Kooxdii goobta joogtay kuma guuleysan inay ka hortagaan bililiqadaas” ay yidhi afhayeen Xoghayaha Guud ee Qaramada Modoobay Stephane Dujarric oo bayaan kasoo saaray dagaalka kasoo cusboonaday Itoobiya.

“Waxaan cambaareyneynaa wax kasta oo bililiqo ah ama lala wareego badeecooyinka bini’aadantinimada ama goobaha bini’aadantinimo, waxaana ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay ilaaliyaan waajibaadkooda sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo in ay ixtiraamaan shaqaalaha, dhaqdhaqaaqa, hantida iyo badeecadaha” ayuu sii raaciyay.

Shidaalkan ayaa loogu tala galay in ay isticmaalaan gawaadhida gargaarka bini’aadaminimo gaadhsiisa dadka gobolka Tigreega.

“Tani waa ceeb iyo fadeexo. Waxaan dalbanaynaa in shidaalkan hadda la soo celiyo” ayuu yidhi David Beasley, madaxa hay’adda WFP.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this