Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xamza oo gaaray Beledweyne + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Xamza iyo wafdigiisa waxaa garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyey madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle iyo mas’uuliyiin kale.

Kadib waxaa ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa loo galbiyey xarunta madaxtooyada ee Beledweyne, halkaas oo uu ka bilaabi doono kulamo wadatasho ah.

Ra’iisul wasaaraha inta uu joogo Beledweyne, wuxuu la shiri doonaan madaxda HirShabelle iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi.

Ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha wuxuu sidoo kale la xiriira u kuur-gelida xaaladaha nololeed ee ka jira Hiiraan iyo dadar-gelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaa

Muddooyinkii u dmabeeyey ayaa waxaa dhaq-dhaqaaqyo culus ay ka socdeen waddooyinka isku xira Beledweyne, Matabaan & Maxaas, ayada oona deegaano looga qabsaday Shabaab.

Waa safarkii ugu horreeyey ee uu Xamza Cabdi Barre uga baxay Muqdisho, tan iyo markii loo magacaabay xilka wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya

Si kastaba, safarka ra’iisul wasaaraha ee Beledweyn ayaa ku soo aadayo, ayada oo maanta madaxweynaha uu isna ku sii jeedo magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

300771059_5323563381032483_6026925275934 301398891_421050540124098_23481010178916 301440774_421050556790763_80769998549365 301537855_421050626790756_12765388885482 301546025_421050576790761_30651600915235

The post Sawirro: Xamza oo gaaray Beledweyne + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this