Deeq A. Posted August 25, 2022 Eebbe u naxariistee Abwaankii weynaa, Maxamad Ibraahim Warsame (Hadraawi), xaqii baa ku yimid waxaana la geeyay gurigiisii dhabta ahaa. Xaqiiqdii waxaa ummadda Soomaaliyeed ka bannaanaaday boos aanay jirin cid buuxinkarta. Laakin, nasiibwanaag, hibadiisii inta badan waa diiwaan dhigan oo dhaxal ah. Maqal, muuqaal iyo qoraalba waa la hayaa. Internetka waxaa ku jira cajalado maqal iyo aragba leh oo dhaxal iyo xasuus reeb ahaan looga sii qabtay intii uu noolaa abwaanku. Source: Hiiraan Online Share this post Link to post Share on other sites