Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh xalay faray golaha wasiirada dowladda?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Munaasabadda gunaanadka Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay shaqooyinka baaxadda leh ee shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan Xukuumadda iyo rajada ay ka qabaan in ay u horseeddo xasilloni, amni iyo horumar. 

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey Golaha Wasiirrada in ay si daacadnimo leh ugu adeegaan dalkooda, mudnaanta koowaadna siiyaan xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada caqabadda ku ah dowladnimada Soomaaliyeed. 

“Masuuliyadda aad qaaddeen waa mid taariikhi ah oo horseedi karta samata-bixinta shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, taasna waxaan ku gaari karnaa in aan mideyno cududda iyo caqliga, una wada istaagno sidii aan dalka uga saari lahayn abaaraha, colaadaha iyo amni darrada.” 

Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo ku-xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac dadaalka ay ku bixinayaan hirgelinta qorshaha dowladda ee Soomaali heshiis ah, Dunidana heshiis la ah, barnaamijkaas oo fulintiisu ay shacabka Soomaaliyeed u noqonayso naruuro ay ku diirsadaan.

Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu caawa soo xiray Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, ayaa Golaha Xukuumaddu waxa ay ku lafa-gureen howllaha hortabinta u leh xukuumadda, hannaanka wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, adkeynta ku dhaqanka xeerarka dalka, dib u eegista Dastuurka, amniga iyo xasillinta dalka, caddaaladda iyo garsoorka, horumarinta Dhaqaalaha iyo bixinta adeegyada bulshada.
301310208_455596816611463_40867828349489 Xasan-1-1.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 301352211_455596826611462_23928674131278 Xamza-22.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 301047180_455596819944796_23509316445324 Xamza-Cabdi-2.jpeg?resize=696%2C464&ssl= 301228015_455596999944778_48568613842777 Abshir-Bukhaari.jpeg?resize=696%2C464&ss 301144469_455600613277750_48871969510577 301407187_455596833278128_83901665879024 301302651_455597073278104_89519185054964 Fardowsa.jpeg?resize=696%2C473&ssl=1 301289095_455597089944769_54785982162676 301416111_455597223278089_64372778321750

The post Sawirro: Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh xalay faray golaha wasiirada dowladda? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this