Sign in to follow this  
Deeq A.

Nabaddoon caan ah oo lagu dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Allaah u naxariistee waxaa suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ay kooxa hubaysan dil ugu gaysteen Nabaddoon Maxamed Nuur Diiriye, oo kamid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed.

Nabadoonka ayaa lagu dilay gudaha suuqa Bakaaraha oo uu ku sugnaa, waxaan dilka kadib goobta isaga baxsaday kooxihii dilka ka dambeeyay.

Ma cadda illa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka nabaddoonka, waxaana dilkiisa ka tacsiyadeeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Cidimada ammaanka oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa baaritaanno ka sameeyay, mana jirto cid loo soo qabtay dilka nabaddoonka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this