Sign in to follow this  
Deeq A.

Siciid Deni ma aqbali doonaa wixii Faroole ka diiday Xasan Sheikh 2013?

Recommended Posts

Deeq A.   
5-2.jpg?resize=640%2C359&ssl=1

Maalin Axad ah 28 April 2013, Xasan Sheikh Maxamuud oo markaas ahaa Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkii u horreeyay intii uu xilkaas qabtay ku yimid caasimadda Puntland ee Garoowe.

Madaxweyne Xasan Sheikh ,oo markaas aad uga soo horjeeday maamul u samaynta Jubbooyinka iyo Gedo ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweynihii Puntland ee xilligaas, Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa xilligaas meel adag ka istaagay qorshihii Xasan Sheikh Xasan Sheikh ee ka dhanka ahaa maamul u samaynta Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana lagu guulaystay in bishii xigtay ee May la dhiso Dowlad Goboleedka Jubaland.

Inkastoo Xasan Sheikh uu geed dheer iyo mid gaaban u fuulay hor istaaga dhismihii Jubaland, haddana  waxaa qorshahaas hal bacaad lagu lisay ka dhigay go’aan adaygii Cabdiraxmaan Faroole.

Xasan Sheikh oo mar kale Madaxweyne ka ah Soomaaliya, waxa uu hadda isu diyaarinayaan dagaal siyaasadeed ka dhan ah Jubaland.

Ujeedka safarkiisa Garoowe ayaa lagu micneeyay mid oo ku doonayo in uu Puntland soo dhowaysto, ka hor inta aanu dagaal siyaasadeed cusub ku qaadin Jubaland.

Puntland iyo Jubaland ayaa mudda dheer ahaa xulafo siyaasadeed adag, inkastoo doorashadii u danbaysay ee Xasan Sheikh ku soo baxay kadib aanu xiriirkoodu wanaagsanayn.

Haddii Xasan Sheikh ku guulaysto in uu kala furo Garoowe iyo Kismaayo, tallaabadiisa xigtaa waxay noqon in uu dagaal dhinac kasta ah ku qaado Axmed Madoobe, si uu meesha uga saaro.

Xasan Sheikh ayaa doonaya in uu Jubaland keensado shakshi maqaar-saar ah oo aan waxba ka diidin, islamarkaana keliya fuliya danaha siyaasadeed ee Villa Somalia.

Wax kasta oo jiraba, Madaxweyne Deni waxaa hadda la gudboon in uu qaato go’aan lamid ah kii Cabdiraxmaan Faroole oo aanu marna aqbalin qorshaha Xasan Sheikh ee ku jihaysan Jubaland.

PUNTLAND POST

The post Siciid Deni ma aqbali doonaa wixii Faroole ka diiday Xasan Sheikh 2013? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this