Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Mar Kale Ka Dhex Qarxay Dowladda Itoobiya Iyo TPLF

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Dagaal u dhexeeya Ciidammada Ismaamulka Tigreega ee Waqooyiga dalka Itoobiya iyo Ciidamo daacad u ah dowladda dhexe ayaa ka dhacay agagaarka magaalada Kobo, sida uu sheegay Afhayeenka Ciidammada Tigreega.

“Waxaan maqlayaa dhawaqa hubka culus oo saaka biloowday,” ayuu yidhi mid ka mid ah beeraleyda deegaanka Kobo oo magaciisa ka gaabsaday, isaga oo intaas sii raaciyay “Toddobaadkii hore, waxaan arkay ciidammada gaarka ah ee Amxaarada iyo maleeshiyada Fano oo bas ku sii socda xagga hore.”

Afhayeenka dowladda Itoobiya Legesse Tulu, afhayeenka millatariga Korneyl Getnet Adane iyo afhayeenka Raysal Wasaaraha Billene Seyoum ayaan ka jawaabin codsiyo ku saabsan inay inay macluumaad ka bixiyaan warkan.

Afhayeenka TPLF Getach Reda, ayaa goor dhaweyd farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu yidhi “Ciidanka taliska Abiy ayaa duullaan ku qaaday fadhiisimaha aan ku leenahay jiidda Koonfureed”

Reuters.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this