Sign in to follow this  
Deeq A.

UK Oo Ka Hadashay Eedeymo La Xidhiidha Inay Faragelin Ku Sameysay Doorashadii Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakiilka sare ee dalka Britain u fadhida dalka Kenya, Jane Marriott ayaa meesha ka saartay eedeymaha ah in dalkeeda uu faragelin ku sameeyey doorashadii guud ee Kenya ee dhawaan la soo gaba gabeeyay.

Ms Marriott ayaa ka falcelinaysay eedaymo kaga yimid dhanka baraha bulshada oo sheegaya inay cadaadis ku saartay guddiga doorashada in ay ku dhawaaqaan William Ruto in uu yahay madaxweynaha la doortay kadib doorsadhadii madaxweynaha ee muranka dhalisay.

Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa baahiyay sawirro aan la xaqiijinin oo ku tusinaya Ms Marriott oo gacanta ku salaamaysa Mr Ruto iyo guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati.

Qoraalo taxane ah oo ay soo dhigtay barteeda twitter-ka, ayey Ms Marriott ku sheegtay in UK ayna taageersanayn, ayna lahayn aragti u gaar ah ee ku aadan murashaxiinta ama xisbiyada, iyadoo ku tilmaantay sheegashada xog khaldan.

“Hoggaamiyaha ay dadka Kenya dooranayaan waa arrin u taalla shacabka Kenya. Waxaan la kulannay dad ka kala socda dhinacyada siyaasadda si aan u sharaxno barnaamijyada UK iyo iskaashiga ay la leeyihiin Kenya, oo ay ku jiraan hay’adaha madaxa bannaan,” ayay tidhi Jane Marriott.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this