Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shir xasaasi ah oo u furmay golaha wasiirada Soomaaliya + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa maanta u furmay shirweyne xasaasi ah oo loogu magac-daray barnaamijka Banbaxa ee golaha wasiirada, kaas oo qaadan doono muddo laba cisho ah.

Furitaanka shirkaan waxaa ka qeyb-galay ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya iyo inta badan xubnaha golaha wasiirada cusub.

Mudada uu socdo shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saari doono howlaha mudnaanta u leh xukuumadda iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kale.

Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo furay shirkan ayaa dardaaran u jeediyey xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya oo uu ugu baaqay inay la yimaadaan waxqabad muuqdo.

“Mudanayaal iyo Marwooyin labada maalin ee aad ku jirtaan kulan wadareedkan waa inaad dareenkiina, maskaxdiina iyo muuqaalkiinaba isugu geysaan sidii iyo habka loo hirgelin lahaa howlaha hortebinta u leh Qaranka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka xukuumad ahaan ay mas’uuliyad ka saaran tahay dalka, loona baahan yahay in xubnaha goluhu la yimaadaan waxqabad iyo howl wanaagsan.

“Madaxa meel ka sarreyso oo la salaaxo ma jirto, dalkaana annaga ayuu na sugayaa” ayuu ra’iisul wasaaruhu sii raaciyey.

Waa kulankii labaad oo ay isugu imaanayaan xubnaha cusub ee golaha wasiirada, tan iyo markii la soo dhisay, kadibna ay codka kalsoonida ka heleen xildhibaannada Soomaaliya.

301257998_419738686921950_89718218035762 300970870_419738770255275_50125271186945 301041800_419738580255294_79901751087599 301102325_419738296921989_68166883567900 301111334_419738406921978_39773477137661 301135572_419738830255269_39326577660086 301222216_419739146921904_81786314472436

 

 

The post Sawirro: Shir xasaasi ah oo u furmay golaha wasiirada Soomaaliya + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this