Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamsa oo la kulmay qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   
Xamsaa.jpg?resize=961%2C640&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay Culimada Soomaaliyeed kala hadlay doorka ay ku leeyihiin gurmadka abaaraha, amniga iyo dowladda wanaaga.

Ra’iisulwasaaraha ayaa talooyin ka dhagaystay culimaa’udiinka, wuxuuna tilmaamay in kaalinta muhiimka ah ee ay culimadu ku leeyihiin nabadda, wacyigelinta bulshada iyo la dagaallanka argagixisada, isagoo tusaale usoo qaatay howlagalka ay ciidamada iyo shacabka iska kaashanayaan ee ka socda Hiiraan.

“Hiiraan waa lala diriray argagixisada, waa layska dhiciyay, waxayna gubeen ceelashii , taas oo sababtay inay dadkii halkaasi ku dhaqnaa ay qaxaan, isla markaana ay habboon tahay inay booqdaan oo u kuur galaan xaaladda halkaasi ka jirta” ayuu yiri Ra’iisulwasaaruhu.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ay waxyeellleeyeen argagixisadu, wuxuuna intaa ku daray in culimaa’udiinku ay saldhig u yihiin baraarujinta bulshada si gacan looga helo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dal iyo dibedba.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisulwasaare Xamsa oo la kulmay qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this