Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kormeeray Ciidamada ku sugan jiidda Gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   
4.png?resize=1000%2C532&ssl=1

Wasiirka Gaashaandhigga oo uu weheliyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa jiida hore ee gobolka Hiiraan ku komeeray ciidamada dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo la hadlay qaar ka mid ah guutooyinkii ka qeyb qaatay dagaalka ayaa ugu horreyn ugu mahad celiyay hawgallada ay ka wadaan Gobolka.

Wasiirka ayaa Ciidanka ugu baaqay inay dhammaystiraan Hawlgalka islamarkaana ku ruqaansadaan dhulka weli ku harsan gacanta Al-shabaab si looga saaro Gobolka oo dhan.

“Waxaan rabnaa in dalkaan uusan mar dambe u afduubnaan wiilal yaryar oo maskaxda laga soo qalday, in aysan gabar dambe oo Soomaaliyeed u dhibaatoon, wiilka iyo waayeelka Soomaaliyeedna uusan u dhibtoon” ayuu yiri Wasiirka

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay ciidankii ka barbar dagaallamayay kuwa xoogga dalka oo u badan dadka deegaanka, wuxuuna sheegay inay mar walba garab taagan yihiin, loona baahan yahay in layska dulqaado Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kormeeray Ciidamada ku sugan jiidda Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this