Sign in to follow this  
Deeq A.

Wareysi: Samiira Gayd oo shaacisay qorshe culus oo laga leeyahay weerarkii Xayaat

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa Jimcihii weerar dhimasho leh oo socday in ka badan 30 saac ku qaaday Hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 21 qof, in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen.

Haddaba ujeeddada Al-Shabaab ka lahaayeen weerarkan, iyo jawaabta dawladdu ka bixisay ayaa waxaa wax laga waydiiyey Samiira Gayd oo ah Agaasimaha Machadka Daraasaadka Amniga Hiraal Institute ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdishu.

“Weerarkaan ay Al-Shabaab ku qaaday Hotel Xayaat waa mid waafaqsan qaabka ay kooxdaan u shaqeyso, waxay kooxdaan horey u weerartay hoteelada, gaar ahaan kuwa ay dagan yihiin mas’uuliyiinta dowladda,” ayaa tiri Samiira Gayd.

Waxay hadalkeeda kusii dartay “Sababta ay weerarkaan usoo qaadeen waxaa suuragal inay ku talo jiraan sidii ay uga hor tagi lahaayeen ku dhawaaqista bilowga ah ee madaxwenaha ku dhawaaqay oo sheegay inuu la dagaalami doono kooxda Al-Shabaab, waxayna u muuqataa farriin ay u gudbinayaan dowadda iyo shacabka,” ayey sii raacisay.

Mar wax laga waydiiyey sababta uu howlgalkaan u qaatay waqti badan ayey ku jawaabtay “Waxaan aragnay in ciidamada dowladda ay laba jeer badaleen ciidamadii howlgalka ku jiray, markaa aqoonteeda uga jawaabo waxay isbadalkaan fursad siisay kooxda weerarka soo qaaday, sidoo kale waxaa hakad galay howlgalka, sidoo kalana ma jiro hoggaan u diyaarsan weerarada noocaan oo kale.”

Samiira Gayd ayaa sababta ay kooxdaan xilligaan weerarka usoo qaaday ku sheegtay inuu yahay jawaab ay u dirayeen madaxweynaha cusub iyo ra’isulwasaarihiisa oo sheegay inay qaadi doonaan howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii Samiira ayaa madaxda dowladda ugu baaqday inay si deg deg ah u diyaaraan istaraatiijiyadii ay kusoo afjari laheyd kooxda Al-Shabaab, haddii kale waxay sheegtay inay mar kasta dowladda ku jiri doonto difaac.

Halkaan hoose ka dhageysi wareysiga oo dhameystiran

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2022/08/019e0000-0aff-0242-9cc8-08da844d8f7d_48k.mp3

The post Wareysi: Samiira Gayd oo shaacisay qorshe culus oo laga leeyahay weerarkii Xayaat appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this