Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Mid ka mid ah milkiilayaasha hotel Xayaat oo xog cusub shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdulqaadir Maxamuud Nuur Faatul oo ka mid ah mulkiilayaasha huteelka Xayaat ayaa ka hadlay weerarkii dhawaan ka dhacay huteelka Xayaat, kaasi oo qaatay in ka badan 24-saac.

Cabdulqaadir oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in weerarka uu kusoo aaday xili uu mashquul badan ka jiray huteelka, isaga oo xusay in kooxda weerarka fulisay ay kasoo galeen dhinaca KM4.

“Saacadaha dheer ee weerarka qaatay waxa uu keenay in huteelka uu burburo, waxyaabaha la adeegsanayay oo aad u cusla iyo mararka qaar aan isleenahay xooga sidaas waxay aheyd saa’id. Waxa dhacday arrin aad u culus oo dhibaatada huteelka oo xataa looga soo kaban kareyn 2 sanno,” ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamuud Nuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay huteelka soo gaareen hal saac kadib markii dagaal-yahanada Al-Shabaab gudaha u galeen, taasi oo fursad fiican u siisay inay waxay rabaan kasii sameeyaan gudaha.

“Dhaawacyo ayaa jira iyo dhimashada hal shaqaalaha kamid ah, dhibaatada waxay u badneyd macaamiisha. Qofka shaqaalaha ee dhintay waxa uu kamid ahaa waardiyaha,” ayuu yiri.

Mulkiilaha ayaa beeniyay inay jiraan shaqsiyaad markii hore gudaha huteelka sii degana oo xiriir la leh kooxda fulisay weerarka, isaga oo ku dooday in nidaam amni la mariyo shaqsiyaadka degaya huteelka.

“Huteelka nidaam ayuu leeyahay waxa jira awaamir nala-siiyay oo qofka marka uu huteelka yimaado waxa la xareeya dukumtigiisa marka majirto cid gudaha ugu sii diyaarsaneyd, waa arrimaha la wareejinayo un, waxa cadeynayna inaysan waxba ka jirin arrintaas.”

Dadka waxyeelada kasoo gaartay weerarka huteelka Xayaat ayey dowladdu sheegtay inta la xaqiijiyay 21 qof ay ku geeriyoodeen, halka 117-kalena ay ku dhaawacmeen.

Xogta khasaaraha ayaa waxa laga soo xigtay wasaarada caafimaadka oo kasoo xaqiijisay Isbitaallada ku yaalla magaalada muqdisho, balse waxa jiri kara meydad ay aasteen ehelladooda, kuwaas oo aan la geyn Isbitaallada.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan wuxuu sheegay in 15 kamid ah 117 qof uu dhaawacooda culus yahay, islamarkaana Wasaaradda caafimaadaka ay iska xil saari doonto wax u qabashada dadka dhaawacyada qaba.

Sidoo kale laamaha amaanka ayaa sheegay intii uu socday weerarka inay ku guulaysteen badbaadinta dad ka badan 106 qof oo ay ka mid yihiin carruur iyo haween.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2022/08/milkilaha-hotel-xayat.mp3

The post Dhageyso: Mid ka mid ah milkiilayaasha hotel Xayaat oo xog cusub shaaciyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this