Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in rag malab ka ganacsanayay ka qaybqaateen weerarkii hotel Xayaat?

Recommended Posts

Deeq A.   
20220822_192036.jpg?resize=714%2C675&ssl

Cabdulqaadir Maxamuud Nuur Faatul oo ka mid ah mulkiilayaasha hotel Xayaat ayaa waxba ka jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in rag daganaa hoteelka ay qaybqaateen wararka.

Cabdulqaadir Faatul oo wareysi gaara siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da waxa uu sheegay in aysan jirin rag malab ka ganacsanayay oo hoteelka daganaa iyo hub lagu keydiyay.

Wuxuu tilmaamay in hoteelku lahaa nidaam caalamiga ah, oo aan qofna la dajin, iyadoo aan laga xerayn dokumentigiisa.

“Hotelka nidaam (system) ayuu leeyahy sida hoteellada caalamiga ah, waxaa jira awaamiir nala siiyay oo hoteellada dhan maraan, qofku markuu hoteelka yimaado baasaboorkiisa iyo cidda keentay ayaa la xereeyaa, la iskama dajiyo qof aan dokumenti laga xarayn…barnaamijyo baraha bulshada qabsaday waan maqlaynay arrintaas waxba kama jiraan cid hub ku keydsatay ama deganaydna ma jirto.. waan maqlaayay qaar dhahaya malab bay ka ganacsanayeen waxaan caddeynaynaa in aysan waxba ka jirin arrintaas” ayuu yiri Cabdulqaadir oo ka mid ah mulkiilayaasha hotel Xayaat.

Weerarkii hotel Xayaat waxaa ku dhintay in 21 ruux, halka ay ku dhawaawacmeen in 117, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, balse warar madax bannaan ayaa khasaaraha intaas ka badinaya oo sheegaya dad ka badan 30 qof ku dhinteen.

PUNTLAND POST

The post Maxaa ka jira in rag malab ka ganacsanayay ka qaybqaateen weerarkii hotel Xayaat? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this