Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Raila Odinga oo dacwad rasmi ah u gudbiyey Maxkamadda Sare ee Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Musharax madaxweyne Raila Odinga ayaa kartoonno waraaqo oo ah dacwad ka dhan ah natiijadii doorashada madaxtinimada ee dalkaas ka dhacday 9-kii August. Wargeys maxalli ah ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay sawirka gaariga xamuulka ah oo soo gaaray dhismaha maxkamadda.

Odinga ayaa aaday maxakamadda isaga oo diiday guusha Willian Ruto uu ka gaaray doorashadi dhacday 9-kii August isaga oo helay 50.55% cod, halka Odinga uu helay 48.8% cod.

Siyaasigan oo 77 jir ah ayaa ku guuldarraystay tartankiisii shanaad ee doorashada madaxtinimo, kadib markii laga kor maray codad yar oo gaaraya 230,000 oo cod – oo ah wax ka yar boqolkiiba laba dhibcood.

Boqolaal taageereyaal ah ayaa ku farxay markii daraasiin sanduuqyo ah oo caddeymo ah laga soo dajiyay gaari xamuul ah bannaanka maxkamadda Sare.

“Waxaan haynaa caddeymo ku filan in aan anaga ku guuleysanay doorashada, ma aanan helin doorasho aan ku faani karno,” ayuu Odinga ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay kadib markii uu gudbiyay dacwada.

Sida ku xusan nuqul ka mid ah codsiga 72 bog ka kooban oo ay aragtay AFP, kooxda Odinga waxay ku andacoonayaan in guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati uu ku guul darreystay inuu tiriyo ku dhawaad 140,000 oo cod.

Inkastoo maalintii codbixinta ay si nabad ah ku dhamaatay, haddana ku dhawaaqista natiijada todobaad ka hor ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo caro leh oo ka dhacay qaar ka mid ah xaafadaha ay ku xoggan yihiin taageerayaasha Odinga, waxaana laga cabsi qabaa in muranka soo shaac baxay uu horseedo rabshado ka dhaca dalka Kenya.

Tan iyo sanadkii 2002-dii, ma jirin doorasho madaxtinimo oo ka dhacday Kenya oo aysan muran ka dhalan, iyadoo natiijadii sanadkan ay sidoo kale keentay khilaaf ka dhex jira guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC.

Garsoorayaasha ayaa hadda haysta 14 maalmood oo ay xukunka ku soo saaraan. Haddii ay amraan burinta doorashadii dhacday waxaa qasab noqon doonta in doorasho cusub lagu qabto muddo 60 cish ah.

Kiiska Mr Odinga ayaa waxaa sii xoojinaya in afar ka mid ah todobada xubnood ee doorashada – oo ay ku jirto guddoomiye ku xigeenka Juliana Cherera – ay qaadeen tallaabo aan caadi ahayn oo ay ku diideen natiijada.

2022-08-22T101044Z_615980473_RC2M1W9HKMA

2022-08-22T101630Z_1727387674_RC2M1W96PD

000_32GX3EA-scaled.jpg?resize=696%2C464&

000_32GX3AM-scaled.jpg?resize=696%2C464&

000_32GX28E-scaled.jpg?resize=696%2C464&

000_32GW9WK-scaled.jpg?resize=696%2C464&

2022-08-22T101231Z_1038200578_RC2M1W9KPJ

The post Sawirro: Raila Odinga oo dacwad rasmi ah u gudbiyey Maxkamadda Sare ee Kenya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this