Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiir FIQI oo laba arrin kala hadlay Kate Foster

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo maanta la kulmay safiirka UK u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Kate Foster ayaa la yeeshay wadahadallo mira dhal ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee soo kordhay.

Fiqi ayaa si gaar ah Kate Foster kala hadlay laba arrin oo ku saabsan xasilinta amniga deegaannada laga xureeyey Al-Shabaab iyo wax ka qabashada abaaraha ka jira dalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay cid kasta kala kaashato arrimaha gurmadka abaaraha iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dhankeeda danjiraha UK ee Soomaaliya ayaa shaacisay in ay diyaar u yihiin in dowladda ay kala shaqeeyaan sugidda amniga dalka iyo arrinaha gurmadka abaaraha ka jira dalka.

Kulankaan iyo ballan-qaadka UK ayaa ku soo aadaya, maalin kaddib weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen hoteelka Xayaat, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

UK ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda Soomaaliya, waxayna sidoo kale ka qayb-qaadataa tababarada ciidamada Xoogga dalka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

301114662_622251909267017_83278026983480 300649493_622251282600413_68740777893235 300775798_622250542600487_45963559731425 300973266_622251192600422_35826306996827

The post Sawirro: Wasiir FIQI oo laba arrin kala hadlay Kate Foster appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this