Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo lix QOF ku toogatay meel fagaare ah + sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Awdheegle (Caasimada Online) – Xooagaga Al-Shabaab ayaa markale fagaare ku yaalla deegaanka Kunya-barrow ee gobolka Shabeelaha Hoose ku toogtay illaa lix qof oo ay kooxda ku eedeysay inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayey sirdoonnada Mareykanka iyo Soomaaliya.

Ragga la dilay oo u badan dhalinyaro ayaa lagu soo qatay howlgallo kala duwan, kadibna waxaa xukun ku ridday maxkamad hoostegta Al-Shabaab, kaas oo maanta lagu fuliyey.

Eedeymaha loo soo jeediyey lixda qof ee la toogtay ayaa waxaa ka mid ah inay bixiyeen xogo la xiriira duqeymo lagu beegsaday xubno iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Halkan hoose ka aqriso magacyada:-

1-Aweys Aadan Xasan (Dalabey) oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, isla markaana uu bixiyay xogta duqeymo lala beegsaday Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

2-Cabdulqaadir Ibraahim Xuseyn (Boqol) oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonka Mareykanka, uuna  ka qeyb qaatay ilaa lix duqeymood.

3-Cabdiraxmaan Cabdulle Dhicisow oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonka Mareykanka, uuna bixiyey xogta laba duqeymood.

4-Cabdalla Nuunow Cabdulqaadir oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonka Mareykanka, uuna ka qeyb qaatay duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab.

5-Maxamad Sheekhey Barrow oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonnada Mareykanka, uuna ka qeyb qaatay duqeyn  ka dhacday gobolka Sh/ Hoose.

6-Xassan Cumar Murjaan (Xassan Garre) oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonnada Mareykanka, uuna ka qayb qaatay illaa 3 duqeymood.

The post Al-Shabaab oo lix QOF ku toogatay meel fagaare ah + sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this