Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Pakistan oo mamnuucday khudbadaha tooska ah ee Imran Khan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Pakistan ayaa mamnuucday in si toosa loo tebiyo khudbadaha ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan.

Dowladda ayaa Imran Khan u jeedisay eedo la xiriira in hadalladiisa ay abuuraan necayb iyo kicin dadweyne oo ka dhan ah xukuumadda talada haysa.

hase ahaatee tallaabadaas si weyn ayaa loo dhaleeceeyey waxaana laguna tilmaamay inay tahay siyaasad ku dhisan cadaadis.

Imran Khan oo 70 jir ah ayaa si joogto ah khudbado ugu jeediya kumanaan qof oo isugu soo baxa barxadaha waaweyn ee dalkaas.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Pakistan oo mamnuucday khudbadaha tooska ah ee Imran Khan? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this