Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo dalka ku soo celinaysa tahriibayaal ku xirnaa dalka Liibiya

Recommended Posts

Deeq A.   
3-1.png?resize=1000%2C752&ssl=1

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo in mudda ah ku silicsanaa xabsiyada dalka Liibiya ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah dalka dib loogu soo celiyo.

Dhalinyaradan oo tiradoodu gaarayso 14 qof ayaa markii hore dalka Liibiya ku galay qaab tahriib ah si ay uga sii gudbaan dalalka Yurub balse waxa gacanta ku dhigay Ciidamada Liibiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sida la sheegay ku guulaysatay in dhalinyaradaas laga soo daayo xabsiyada Liibiya oo ay mudda ku jireen islamarkaana u diyaarisay in dalkooda lagu soo celiyo.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee tahriibta ku gala dalka Liibiya ayaa la kulma tacaddiyo kala duwan oo ay ku jiraan xarig iyo jir-dil halka qaarkooda ay badda ku dhintaan markay ka gudbaan dalka Liibiya.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo dalka ku soo celinaysa tahriibayaal ku xirnaa dalka Liibiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this