Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse oo Fariin Culus u Diray Laamaha Amniga+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa booqday isbitaallada lagu daaweynayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kaas oo in lasoo gabagabeeyo howlgalkiisa ay qaadatay wax ku dhow 48 saacadood.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa waxa uu warbixinno ku saabsan xaaladda caafimaad ee dadka dhaawacmay ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta isbitaallada Erdogan X Digfeer  iyo Medina, isaga in dhaawacyada culus ee aan dalka wax looga qaban karin ay dowladdu u qaadi doonto caafimaad waddanka dibeddiisa.
Waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay isla xisaabtamayso – isla markaana ay qaadayso masuuliyadda wixii dhacay, oo lala xisaabtami doono cid walba oo hawsheeda gudan weysay” Cid kasta oo gudan weysay shaqadeeda, cid kasta oo gaabis ka yimid, cid kasta oo xad gudub ka yimid waa lala xisaabtami doonaa” ayuu yiri
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa u mahadceliyay ciidamada Soomaaliyeed ee naftooda u huray inay soo badbaadiyaan shacabka oo uu sheegay inay yihiin mujaahidiin dhab ah “Waxaan rabaa inaan halkaan boggaadin iyo ammaan uga soo jeediyo mujaahidiinta ciidamadeenna sharafta leh ee dhiigooda u shubay in ay badbaadiyaan” ayuu yiri.
Hadalka Ra’iisulwasaaraha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo habeennimadii jimcaha weerar lagu qaaday hotelka Xayaat uu sababay geerida 21 ruux iyo dhaawaca 117 kale sida ay shaacisay wasaaradda caafimaad, waxaana howlgalkaas uu qaatay wax ku dhow 48 saacadood, waxaana ugu dambeyn ciidanku ay soo afjareen howlgalkaas saqdii dhexe ee habeenkii sabtida.
300720812_418868500342302_88533566676070
300507278_418868493675636_86858756908825
300961063_418868397008979_68163749545607
301169636_418868783675607_81420705155853
300738136_418868443675641_48274052714625
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this