Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyihii hogaanka Garxajis oo caawa dharcad iyo Boolis ka qabteen aqalkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha gudiga beelaha West Burco Clan ayaa caawa ciidamo dharcad ah iyo baabuur Boolis ahi ay ka qabteen meel aan ka fogayn afaafka aqalkiisa xiligaasi oo uu dhigay gaadhigii uu watay isla markaasina uu damacsanaa in uu galo aqalkiisa.

Suldaan Cadde guide oo ah gudoomiyaha gudiga beelaha West Burco Clan oo lagu soo doorway shirkii Gacanlibaax ayaa caawa xukuumadda Muuse Biixi ka kaxaysatay afaafka hore ee aqalkiisa xagaasi oo ay ku sii sugayeen.

Lama oga sababta rasmiga ah ee suldaanka caawa xoriyadiisa looga qaaday sidoo kale lama garanaayo ciidanka dharcada ah ee la socday gaadhiga booliska ee caawa xoriyadiisa ka qaaday suldaan Cade gude

Ilaa hada xukuumadda Muuse Biix kama ay hadal xadhiga birmagydada lagula kacay iyo waxa sababay toona.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this