Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog Ay Warbaahintu Ka Heshay arrimo qarsoodi ah oo lagaga wada-hadlay Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland + Qorshe Cusub Oo Uu Damacsan Yahay Madaxweyne Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulankii toddobaadlaha ahaa ee golaha wasiirrada Somaliland ee qabsoomay 18-kii Bishan aynu ku jirno ee August ayaa waxa lagaga hadlay qodobo la xidhiidha muranka iyo khilaafka u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaridka ah.

Kulanka waxa shir-guddoominayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana ku wehelinayay Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo inta badan golaha wasiirrada, waxaana dood, fallanqayn iyo wada sheekaysi dheer laga yeeshay khilaafka u dhexeeya xisbiyadda mucaaridka ah iyo xukuumadda.

Madaxweyne Biixi oo inta badan hadalka jeedinayay ayaa golihiisa wasiirrada u sheegay in illaa hadda ay iyagu ka xukuumad ahaan ka gacan sarreeyaan xisbiyadda mucaaridka ah ay meel martay doonistoodii ahayd in doorashada ururradu ka soo horrayso tan madaxtooyadda, balse waxa kaliya ee ku hadhay ee qabyadda ka ahi uu yahay xeerkii lagu gali lahaa doorashada tooska ah ee ururrada, Madaxweynaha ayaa golahiisa wasiirrada ku amray in laga hawl-galo sidii xildhibaannada golaha wakiillada loo hor-geyn lahaa islamarkaana looga anixin lahaa xeerka lagu galayo doorashada tooska ah ee ururrada siyaasadda, waaxaanu Madaxweynuhu ku adkeeyay golihiisa wasiirrada inay ka hawl-gaan oo ay olole xooggan u galaan sidii 55 xildhibaan ugu heli lahaayeen xeerkan marka uu golaha wakiilladu sidaa u furmo Bishan September.

Madaxweynuhu waxa uu wasiirradiisu u sheegay in arrintan ay la kaashan doonaan siyaasi Maxamuud Xaashi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this