Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI & Xubno ka tirsan Hogaanka Xisbiga oo gaadhay Boorama+Ujeedka safarkooda.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI & Xubno ka tirsan Hogaanka Xisbiga oo gaadhay Boorama+Ujeedka safarkooda.

Guddoomiyaha Xisbiga Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X Xasan oo ay weheliyaan Musharraxa madaxweyne kuxigeenka Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, guddoomiye xigeenka Xisbiga Milgo Maxamed Sanbalooshe, Guddoomiye xigeenka xisbiga Mudane Abubakar Cabdiraxmaan Good iyo masuuliyiin kale ayaa maanta jeelka degmada Baki ee gobolka Awdal ku booqday masuuliyiinta xisbiga ee halkaasi ku xidhan.
Guddoomiyaha iyo madaxda wehelinaysa ayaa u kuur galay xaaladda masuuliyiinta ay ka mid yihiin xoghayaha Ciyaaraha Xisbiga WADDANI, guddoomiyaha gobolka Maroodijeex iyo xubno ka mid ah Golaha Dhexe ee Xisbiga halkaasi ku xidhan oo aan ilaa hadda wax maxkamad ah la hor gayn.
Weftiga Guddoomiyaha waxa kale oo ka mid ahaa Xoghayaha Caddaaladda Mudane Yoonis Axmed Yoonis, Afhayeenka garabka dhallinyarada Mudane Cabdiraxmaan Ismaaciil, Mudane Kayd Mudhleeye oo ka tirsan Golaha Dhexe iyo masuuliyiin kale.
300705341_3311820749144247_6067315104973
300967701_3311823325810656_7308354263073
300368560_3311826332477022_4246565826122
299545317_3311826379143684_1681284683642

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this