Deeq A. Posted August 21, 2022 Dowladda Ingiriiska ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxay si kulul ugu cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Xayaad, kaasoo socday muddo 22 saacadood ka badna . Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay dowladda iyo dadka Soomaalida sidii ay ula dagaalami kooxa argagaxisada ah sida ay hadalka u dhigeen. Ilaa hadda tirada dadka ku dhintay weerarka ayaa la sheegay in ay kor u dhaafeyso 20 qof, waxaana sida booliiska Soomaaliya ay sheegeen laga soo badbaadiyay dad shacab ah gudaha hotel-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites