Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Jubbaland oo muddo kordhin u sameeyay madaxweyne Axmed Madobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Kulan maanta ka dhacay magaalada Kismaayo, oo uu yeeshay golaha wakiilada dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa muddo kordhin loogu sameeyay labada gole ee dowlad goboleedka ee kala ah baarlamaanka iyo fulinta.

Kulankan oo ahaa kalfadhigi afaraad fadhigiisi shanaad ee golaha wakiilada Jubbaland ayaa ajandihiisu ahaa in wax ka badal lagu sameeyo dastuurka Jubbaland, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa 58 xildhibaan.

Baarlamaanka ayaa wax ka badel ku sameeyay qodobada 28-aad iyo 70-aad ee dastuurka oo ka hadlaya muddo xileedka goleyaasha dowladda, wuxuuna markii hore ahaa afar sano, haatana waxaa laga dhigay shan sano.

Taasi waxa ay ka dhigantahay in muddo xileedka madaxweynaha hadda jooga Axmed Maxamed Islaam uu ku ekaan doono bisha Agoosto 2024, halkii la filayay in sanadka soo socda ee 2023-da la qabto doorasho.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxaam ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada kulanka.

Horey waxaa sidan oo kale oo muddo xileedka shan sano ka dhigay baarlamaanka Koonfur Galbeed, muddo hal sano ahna ugu daray madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, inkasta oo arrintaasi uu weli buuq siyaasadeed ka taaganyahay.

The post Baarlamanka Jubbaland oo muddo kordhin u sameeyay madaxweyne Axmed Madobe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this