Sign in to follow this  
Deeq A.

Ex. Madaxweyne Farmaajo oo maanta loo dhaarinayo Xubin sharafeed ka tirsan Baarlamanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah kulan ku yeelanaya Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa ajandihiisa lagu sheegay dhaarinta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo xubin sharafeed ka noqonaya Baarlamanka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu wadaa in lagu doorto Guddoonka Guddiyadda Golaha Shacabka.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka codsaday Xidhibaannada in ay kulanka soo xaadiraan Isla markaana ay waqtiga ilaaliyaan.

PUNTLAND POST

The post Ex. Madaxweyne Farmaajo oo maanta loo dhaarinayo Xubin sharafeed ka tirsan Baarlamanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this