Deeq A. Posted August 20, 2022 Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan oo ay wehliyaan wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo saraakiil ciidan, ayaa gaaray deegaanka Teedaan oo todobaadkii hore laga ciidanku ay kala wareegeen xooggaga Al-shabaab Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa u kuur-galayay xaaladda nololeed ee ka jirta deegaanka, baahiyaha dadka deegaanka iyo adkeynta amniga, waxaana uu la kulmay guddoomiyaha qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhallinyaro deegaanka Teedan. Goddoomiye Cali Jeyte ayaa muddooyinkii dambe waxaa uu qeyb ka ahaa howlgallada ka socda deegaanno dhaca Waqooyiga gobolka Hiiraan, kaas oo deegaanno dhowr ah ay ciidanku la wareegeen, oo u dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Matabaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites