Sign in to follow this  
Deeq A.

Beel kaliya oo ay 11 qof ugu dhinteen weerarka Hotel Xayaat

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Weli waxaa marba marka ka dambeeyo isisoo tarayo khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday Hotel Xayaati ee Magaalada Muqdisho kaasoo weli lasoo afjari la’yahay.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimow oo qoraal kusoo qoray bogiisa Facebook ayaa soo bandhigay khasaaro weerarkaas kasoo gaaray beelaha Soomaaliyeed qaarkood.

Macalimow ayaa sheegay in beeshiisa Gugundhabe oo la isku yiraahdo Baadicadde iyo Gaaljecel uu khasaare xoog leh kasoo gaaray weerarkaas, wuxuuna soo bandhigay magacyada illaa 11 qof oo sagaal kamid ah ay kasoo jeedaan Baadicadde iyo Laba Gaaljecel ah oo lagu dilay weerarka. Wuxuu kale oo uu sheegay inuu jiro dhaawac badan.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka Macalimow

Tolka qasaare ba’an ayaa ka soo gaaray weerarka hotel Xayaat.

Inta dhimatay Allaha u naxariisto inta dhaawaca ah Eebe ha bogsiiyo, runtii waa dhacdo xanuun badan oo ay naftooda ku waayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Gugundhabe 11

Baadicadde 9

Jidle               2

1.Xaji Bashir X.Suleymaan Muxumed

2.C/rashiid Cabdi Axmed

3.Shahiid Axmed Cumar

4.Axmed C/aahi Ibrahim

5.C/aahi Abiib Maxumed

Wa kuwaa Magacyada Oo Dhameystiran

6 Maryan Shiikh Cali

7 Abdirashid Nuunow

8 Yusuf Mahad Barrow

9 Ahmed Cali Xaaji

10 Nasra Ahmed Cali (Nasra Shiine)

11 Seynab Abdi Maqaar

Waxa intaa dheer in kaloo dhaawac ah oo cisbitaalada la dhigay oo Eebe uga baryeyno inuu bogsiiyo.

Waxa aan u mahad celinayaa Ciidamada Amaanka oo tiro kale oo ay ku jiraan dad wax gal u ah beesha soo badbaadiyay.

Dadkaas waxa dilay gacan ka xaq daran , waqtigooda ayaa inta ku ekaa , Ilaah waxa aan uga rajeyneynaa Jannatul Fardowsa

Waxa aan sidoo kale tacsi u dirayaa dhamaan inta ku dhimatay weerarkaas oo ay ku jiraan rag aan saaxiibo aheyn oo isla soo kornay.

Innaa Lilaah Waa Innaa Ileyhi Raajicuun.

The post Beel kaliya oo ay 11 qof ugu dhinteen weerarka Hotel Xayaat appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this