Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyaha Puntland oo waddo cusub ka dhagax-dhigay degmada Dhahar

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1660990682126.jpg?resize=720%2C62

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku soo gaaray Degmada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan, ayaa dhaggax dhigay Wado Isku xiri doonta magaalooyinka Sheerbi, Dhahar iyo Xingalool.

Madaxweynaha Dowladda Puntland, ayaa muujiyey muhiimada ay u leedahay Puntland dhaggax dhiga wadadan, isagoo xusay in Wadadan ay dadka Gobolka Haylaan ku xireyso Gobollada kale ee Puntland isla markaana ay ka qeyb qaadan doonto, Horumarka, Kobcinta ganacsiga iyo dhoofinta Xoolaha.

Wadadan oo dhererkeedu yahay 55Km ayaa waxaa iska kaashaday Dowladda Puntland iyo Hay’adaha African Development Bank, Save The Children iyo IGAD. Waxaana maanta toos loo billaabay dhismaha Wadadan oo qorshuhu yahay in wakhti kooban lagu dhameystiro.

Munaasabadda dhaggax dhiga waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Suldaan Maxamed Cabdullaahi Cartan, Masuuliyiinta Wasaaradda Howlaha Guud iyo Hay’adda Wadooyinka Puntland, Shirkadda dhisaysa Wadada iyo Madax ka socota Hay’addaha African Developers Bank, Save The Children iyo IGAD, qaar ka mid ah xubnaha Goleyaasha Dowladda Puntland, Masuuliyiinta Gobolka Haylaan iyo Bulshada Degmada Dhahar.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyaha Puntland oo waddo cusub ka dhagax-dhigay degmada Dhahar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this